Ku-xigeenka Ra’isul-wasaaraha XFS ee uu xilligeedu dhamaaday, Maxamed Cumar Carte Qaalib, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda, C/raxmaan Ducaale Bayleh iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa maanta ku soo baxay Xildhibaanimadda Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Doorashadda ay Xildhibaanadaasi ku soo baxeen ayaa waxa lagu kala qabtay Xarunta Gaadiidka Boliska ee magaalladda Muqdisho iyo Xarunta Shirarka Maamulka HirShabelle ee magaalladda Jowhar.
Maxamed Cumar Carte ayaa ku soo baxay Kursiga Koowaad ee xubnaha Beelaha Waqooyi uga mid noqonayo Barlamaanka soo socda, wuxuuna 47-cod kaga guuleystay Musharax Axmed Ismaaciil Xuseen oo helay 4-cod.
Maxamed Cumar Carte oo ka hadlay guushiisa kadib ayaa ku baaqay in Doorashadda xubnaha Beelaha Waqooyi lagu qabto Xarunta Gaadiidka Boliska oo ay maanta ka dhacday Cod-bixinta uu ku soo baxay.
Sidoo kale, C/raxmaan Ducaale Bayleh oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Dowladdii Federalka ee uu Ra’isul-wasaare ka ahaa C/weli Sheekh Axmed ayaa isagana ku guuleystay Kursiga 2-aad ee xubnaha Beelaha Waqooyiga uga mid noqonayo Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.
C/raxmaan Ducaale Bayleh waxa uu 48-cod kaga guuleystay Musharax C/llaahi Xaashi Abiib oo helay 2-cod.
Ergooyinka cod-bixinta ayaana lagu ammaani karaa sida qiirada leh ee ay Codadkooda uga dhiibteen Doorashaddaasi maanta lagu qabtay Xarunta Gaadiidka Boliska ee magaalladda Muqdisho.
Ciiddanka Dowladda iyo kuwa Hawlgalka AMISOM ayaa sugayey Ammaanka, waxaana la wada xiray dhamaan Waddooyinka ku yaalla hareeraha iyo duleedka Xarunta Gaadiidka Boliska, mana jirin wax Gaadiid ah oo marayey Waddooyinka laga soo bilaabo Garoonka Konis ilaa Isgoyska Fagaaraha Daljirka Dalsoon.
Dhinaca kale, Â magaalladda Jowhar waxaa maanta ka dhacday Doorasho lagu dooranyey Kuraas ka mid ah Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka.
Siyaasiga Daahir Amiin Jeesow ayaa ku soo baxay Xildhibaanadda Aqalka Hoose, kadib, markii uu 30-cod kaga guuleystay Musharixii la tartamayey oo helay 21-cod.
Waxaa kaloo Wararka Doorashadda ka mid ah Tartan maanta ka dhacay  magaalladda Cadaado oo Caasimadda KMG u ah Maamulka Galmudug.
C/xakiin Macalin Axmed ayaa ku guuleystay kursi qoonta haween oo maanta lagu doortay magaalada Cadaado, isagoo helay 40-cod.
Nadiifo Faarax Jaamac ayaa ku soo baxday kursigii 33-aad ee doorashada Golaha Shacabka ee ka socota magaalada Cadaado
Cali Axmed Shariif Cismaan oo helay 49-cod ayaa ku guuleystay kursi ay Garabka Madaxweynaha sed-bursi kaga heleen magaalada Cadaado.
©Radio Dalsan