Qoraal uu G/xigeenkii hore ee Barlamaanka Kenya, Faarax Macallim Maxamed Dagaare soo dhigay Barta u uku leeyahay Twitterka waxa uu ugu horeyntii ku sheegay inuu soo dhaweynayo Go’aankii uu Sheekh Mukhtaar Roobow kaga soo goostay Alshabaab, kuna soo biiro Ciiddanka Isbedelka ee gudaha Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.
Siyaasiga waxa Aragti ahaan sheegay inuusan rumeysanayn in la hubo in Murashax Sheekh Mukhtaar Roobow loo dooran doono Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed.
Wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu Roobow u baahan yahay waqti dheer, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, waxa uu arrinkaasi ku sababeeyey in haddii Nin Maraykan oo u shaqeeya Hay’adda Sirdoonka Raashiya ee KGG u soo goosto Maraykanka inaadan isaga u dooranin Guddoomiyaha magaalladda New York sannadka soo socda.