Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale  oo horey u sheegay inuu soo bandhigayo magacyadda dadka ku nool W/bari Kenya ee taageeradda siiya Alshabaab ayaa sheegay in uu ka laabtay hadalkaasi.
Isagoo ka hadlayey Degmadda Garissa waxa uu carrabka ku dhuftay inuusan haynin wax magacyo oo la xiriira Eedeysanayaal ama dad uu rajeynayo inay ka tirsan yihiin Alshabaab.
Aadan Barre Ducaale  oo ah Mudane laga soo doorto Garissa ayaa sheegay in Hoggaamiyayaasha Waqooyiga Kenya door muhiim ka qaataan La-dagaalanka waxa uu ugu yeeray Argagixisadda iyo Xag-jirnimadda lagu barbaarinayo Dhallinta Soomaalida Kenya.
“Hoggaamiyayaasha Gobalka waxay si dhow ugala shaqeynayaan Dowladda sidii looga guuleysan lahaa Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, waxaan u taaganahay inaan ka shaqeyno sidii loo hubin lahaa inuu dalkeenna ku guuleysto Dagaalka Argagixisadda†ayuu yiri Aadan Barre Ducaale, oo intaasi ku daray inay Madaxweyne Uhuru Kenyatta ka haystaan Ballanqaadyo.
Dhinaca kale,  waxa uu si kulul u canaantay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaiserry, wuxuuna ugu baaqay in faraha kala baxo Siyaasadda, ama  uu kaga dambeeyo Siyaasiyiinta arrimaha xasaasiga.
Dhinaca kjale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaiserry, oo uu wareystay Wargeyska The Standard Media ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo haddii uu gacanta ku hayo Kiis ka dhan ah Xildhibaan Aadan Barre Ducaale.