Sarkaal ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Somalia ayaa sheegay in Sarkaal ka tirsan Alshabaablagu dilay duqeyn ay Diyaarad Drones oo Maraykanka leeyahay ka fulisay K/galbeed ee Somalia.
Wakaalladda Wararka ee AP ee laga leeyaahay dalka Maraykanka ayaa ka soo xigatay Sarkaalkaasi ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Somalia in duqeyntaasi xalay lagu bar tilmaameedsaday gaari uu la socday Sarkaal ka tirsan Alshabaab.
Waxa uu intaasi ku daray in duqeynta lala beegsaday Sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab oo lagu magacaabo Ismail Jabhad iyo saddex dagaalyahan, kuwaasi oo marayey meel ku dhow Degmadda Baardheere.
Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu magacaabo Abu Mohamed ayaa u xaqiijiyey Wakaalladda AP inay dhacday duqeyntaasi, balse faahfaahin dheeraad ah kama bixinin.
Xigasho: AP