Cadadkii maanta ee Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inay Sirdoonka Milliteriga Kenya muddo afar bilood ah ilaalo ku hayeen Dagaalamayaasha Alshabaab ee ku sugan gudaha dalka Kenya.
Wargeyska waxa uu qoray inay Sarkaal Kenyaati ah oo ka tirsan Dagaalamayaasha Alshabaab uu hoggaaminayey Dagaalyahannadda Alshabaab ee la rumeysan yahay inay ka hawlgalaan gudaha Kenya.
Sarkaalkaasi oo la oran jirey Luqmaan Osman Ciise ayaa la sheegay in lagu dilay iska horimaadkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab Axaddii hore la galeen Ciiddan ka tirsan kuwa Kenya oo ku sugnaa duleedka Degmadda Laamu.
Wararka Sirdoonka Milliteriga Kenya ayaa sheegay in Luqmaan Osman Ciise oo lagu naanaysi jirey Shirwac uu ahaa Taliyihii horkacayey Dagaalamayaasha Alshabaab ee la sheegay inay bishii Feberaayo ee sannadkan joogeen Dhul-kaymeedka Boni Forest, isla markaana uu hoggaaminayey weerarkii ay Alshabaab bishii June ee sannadkii hore ku qaadeen Degmadda Mpeketoni.
Wargeyska The Star waxa kaloo uu qoray in Dagalaamayaasha Alshabaab ee ku sugan Kaymaha Boni Forest qorsheynayaan inay weeraro ku qaadaan mid ka mid ah Degmooyinka Laamu, Malindi ama Kawale, waa sida uu Wargeysku ka soo xigtay Sirdoonka Milliteriga Kenya.
Xigasho: The Star
© Warqabadka Dalsan Radio