Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Oslo ee dalka Norway.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si toos ah waxaa dalkaasi Norway uga bilaabatay booqasho shaqo oo saddex maalmood ah, sida lagu sheeegay war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Inta Madaxweyne Xasan Sheekh u uku sugan yahay dalkaasi ayaa waxaa uu wadahallo laba geesood ah la yeelanaya Ra’iisul Wasaaraha Norway iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladdaasi.
Waxyaabaha ugu waa weyn ee dahaaran socdaalka Madaxweynaha ayaa ah sidii loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway.