Sicir Bararka ku yimid cuntooyinka quutul duruuriga ah ayaa saameyn weyn ku yeeshay Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan danyarta markii horoba ladaalla dhacayay wajiyada kala duwan ee nolosha, waxaana si gaar ah loo xusi karaa in Seddexii sano ee lasoo dhaafay ay Bulshada Soomaaliyeed ay isku biirsadeen, Abaaro, Covid19 iyo dhibaatooyin kale oo soo foodsaaray.
Qaar ka mid ah ganacsatada danta yare ee Magaalada ku leh ganacsiyada yar-yar ayaynu wax ka weydiinay sida uu saameynta ugu yeeshay Sicirbararka xooggan ee Magaalada ka jira.
Waxaana ay sheegeen Ganacsatada danyarta ah in noloshu ay ku adkaatay, maaddaama wax walba oo noloshoodu ay ku tiirsanayd ay qaali ama sara u kac ku yimid.
Ganacsatada danyarta ah ee aynu la kulannay ayaa isugu yira Haween iyo rag xoogsato ah oo noloshooda ku maareeya faa’iidooyinka yar ee ay ka helaan Cuntooyinka iyo Bagaashka ay iibiyaan, oo haatan sida ay sheegeen sara-kac uu ku yimid.
Hoos ka daawo Warbixinta oo dhammeystiran
https://fb.watch/dX02OL7PPr/