Guddiga Doorasha Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland ee uu Maanta magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka ayaa soo saaray shuruudaha doorashada Madaxtooyada Puntland.
Shuruudaha Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne k- xigeenka ee la shaaciyay waxa kamid ah in Musharraxa daΓ’β¬β’diisa aysan ka yarayn 40 sano iyo in aanu Xukun Maxkamadeed ku dhicin shantii sano ee u danbaysay.
Guddiga ayaa Musharaxiinta ku wargeliyay inay Maanta oo jimco ah bilaabaneyso is-diiwaan gelinta, isla markaana ay ku egtahay maalintaΓΒ berri oo sabti ah, Musharax kastana looga baahan yahay inuu bixiyo lacag dhan 30 kun oo Dollar.
Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland iyo ku-xigeenkiisa ayaa magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ka dhaceysa maalinta Isniinta soo socota oo ay taariikhda ku beegan tahay 5 bishaan Janaayo 2023.