Madaxweynaha DFS iyo kuwa Mamaul-gobaleedyadda ayaa waxay wada gaareen Caasimadda dalka Belgium ee Brussels, si ay uga qeyb galaan Shirwweynaha Caalamiga ee Maanta ka furmaya Beussels.
Kulankaasi Caalamiga oo socon doona muddo 2 maalmin ah waxaa kaloo ka qeyb geli doonaan Hoggaamiyayaal ka kala socda Dowladaha taageeraadda siiya Somalia iyo Hay’addaha Samafalka ee Caalamiga iyo Ururadda Jaamacadda Carabta, Midowga Europe, Midowga Afrika, Hawlgalka AMISOM iyo Diplomaasiyiin kale.
Kulankaasi waxaa looga hadli doonaa Xaalladaha Ammaanka, Horumarka, Geeddi-socodka Hawlgalka AMISOM iyo Doorashadda Madaxtinimdda ee Somalia ka dhici doonta sannadka 2020-ka.
Ilo-wareedyo ayaa waxay sheegayaan inay DFS iyo Maamul-gobaleedyadda si wadajir ah shirkaasi ugu soo bandhigi doonaa Qorshe dhinaca Ammaanka Somalia iyo Dib-u-dhiska Ciiddanka Qaranka, waxayna Beesha Caalamka ka codsan doonaan Malaayiin Dollar oo dib loogu dhisayo Ciiddanka Qaranka, si ay Hawlgalak AMISOM ugala wareegaan Hawlaha sugudda Ammaanka iyo Deganaanshaha guud ahaan Somalia.
Shirka Brussels waxa uu sii ambaqaadi doonaa tallaabooyinka cusub ee lagu taageerayo Ammaanka, Horumarka iyo Deganaanshaha Somalia.
Dhinaca kale, Bishii May ee la soo dhaafay, Shirweyne ka dhacay magaalldda Brussels waxay Dowladaha Midowga Europe ballan qaadeen 100 million oo Euro oo lagu taageerayo DFS.
Si kastaba ha ahaatee, Shirweynaha Caalamiga ee berrito ka furmayo magaalladad Brussels waxaa lagu lafaguri doonaa Natiijooyinkii ka soo baxay Kulankii ugu dambeeyey ee Golaha Amniga Qraanka ay dhawaan ku yeesheen magaalladda Baydhabo, inkastoo ay DFS iyo Maamul-gobaleedyadda ku kala aragti duwan yihiin Mideynta Ciiddanka Qaranka.