Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta furay shirweynaha maamullada, goballada iyo degmooyinka Hirshabeelle iyo isku-xirka dadaalada xasilinta.
Shirka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) labada gole ee Maamulka, Guddoomiyayaasha goballada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan, hoggaanka degmooyinka Hirshabeelle.
4-cisho ayuu socon doonaa shirweynaha waxaana diirada lagu saari doonaa mudadaasi hannaanka shaqo ee goballada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabeelle.
Sidoo kale waxa ay is-dhaafsan doonaan dooddo ku aadan qaababka ay u shaqeeyaan waxana ay wadaagi doonaan waayo-aragnimadooda.
“7-sanno oo ay dhisan tahay Hirshabeelle waa shirkii ugu weynaa oo ay Dowladda Hirshabeelle u dhan tahay waana farxad weyn, waqtiga aad halkan joogtaan waxaad ogaan doonta halka uu hiigsigeena runta uu yahay.â€
Ugu dambeyn madaxweynaha Hirshabeelle ayaa furay shirka waxana uu ugu baaqay dhammaan ka qeyb galayaasha inay kala tagaan madasha aqoon ay deegaanadooda ku beddeli karaan.