Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federalka iyo kuwa Dowlad-gobaleedyadda, Ururradda Saxaafadda iyo Suxufiyiin fara badan ayaa waxa uu maanta Shirweyne uga furmay Hotelka City Palace ee magaalladda Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federalka, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye†ayaa si rasmi ahaan u furay Shirweynahaasi oo socon doona muddo labo maalmood.
Wasiirka waxa uu ka hadlay Hadafka Shirweynaha, wuxuuna xusay in Ujeedada loo qabtay Shirka tahay:
- In ay fursad isu helaan wasaaradaha warfaafinta dowladda dhexe iyo wasaaradaha warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah, si ay isaga xaaladda warbaahinta dalka iyo sida loo horumarin karo.
- In warbaahinta madaxa bannaan fursad isu hesho si ay u sameystaan siyaasad la xiriirta habka ay bulshada soomaaliyeed farriin sax ah u gaarsiin lahaayeen.
- In aan fursad u helno hay’adaha taageera warbaahitna Soomaaliya, si ay u ogaadaan baahida dhabta ah ee ay qabaan warbaahinta Soomaaliiyeed, lana nidaamiyo caawimaadda ay siiyaan warbaahinta Soomaaliyeed.
Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Dowladda Federalka ku faraxsan tahay Qabashadda Shirweynahan oo ah markii ugu horreysay oo ay isugu yimaadaan Wasiiradda Warfaafinta ee Dowladda Federalka, Dowlad-gobaleedyadda iyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Waxa uu xusay in la rajeynayo inay Isbedel weyn dhacaan marka uu Shirweynuhu soo xirmo, isla markaana ay Saddex dhinac ee Shirka ka qeyb galayo dhistaan Qorshe Mideysan ee daaweynaya Baahida Warbaahineed ee Bulshadda Soomaaliyeed.
Wasiiradda Warfaafinta ee Dowlad-gobaleedyadda Galmudug, K/Galbeed iyo Jubbaland iyo Afhayeenka Madaxtooyadda Puntland oo wakiil ka ahaa Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa ka hadlay shirka, waxayna uga mahadceliyeen Wasaaradda Warfaafinta qabsoomida Shirweynahaasi.
Waxay kaloo sheegeen inay taageersan yihiin Go’aanadda lagu gaaro Shirka iyo Horumarinta Warbaahinta Somalia.
Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka, Maxamed Ibrahim Pakistan ayaa ka mid ah Mas’uuliyiinta ka hadashay Shirka, wuxuuna soo dhaweeyey Shirweynaha Horumarinta Saxaafadda Somalia.
Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa ka mid ah Madaxdii ka hadashay Shirkaasi, wuxuuna sheegay inay soo dhaweynayaan Istaraatijiyadda Mideysan ee Dowladda Federalka iyo Dowladaha ka tirsan Federalka Somalia.
Waxa uu sheegay inuu Shirkan noqonayo Shirkii ugu dambeeyey ee uu kaga qeyb galo isagoo ah Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, wuxuuna xusay inuu xilkaasi ka degi doono bisha soo socota ee December.
Nicholas Kay waxa uu Dowlad-gobaleedka Puntland ugu baaqay in la sii daayo Weriye Jaamac Deperani oo weli ku xiran Xabsiga Dhexe ee magaalladda Garowe.
“Waxaan baaqaasi la qeybsanayaa walaaca Ururka Suxufiyiinta Qaranka Somalia ee NUSOJ ka muujiyeen xariga Weriye Jaamac Deperani†ayuu yiri Nicholas Kay oo mar kale ka codsaday Dowlad-gobaleedka Puntland in Weriyahaasi dib loogu soo celiyo Xorriyadiisa.
Afhayeenka Madaxtooyadda Puntland, C/llaahi Maxamed Jaamac ayaa ka jawaabay Baaqaasi, wuxuuna xusay in Weriyaha la soo taagi doono Maxkamad, lana sii dayn doono haddii lagu waayo wax Dembi ah.
Dhinaca kale, Kulanka Horumarinta Saxaafadda Qaranka, waxaa dib la isugu soo laabanayo berri subax, si loo sii ambaqaado Ajendayaasha loogu talagalay in lagu gorfeeyo, si loo mideeyo Istaraatijiyadda Horumarinta Saxaafadda Somalia.
© Radio DalsanÂ