Waxaa duhurnimaddii Shalay lagu soo gebagebeeyey Hotelka City Palace ee magaalladdan Muqdisho Shirkii Wada-tashiga Hay’addaha Ammaanka iyo Ururradda Bulshadda, kaasi oo socday muddo labo maalmood ah.
Shirkaasi oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda “Center for Community Awareness (CCA)â€, iyadoo ay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federalka gacan ka geysatay Taabagelinta Kulankaasi ayaa  ah kii ugu horreeyey oo noociisa ah oo ay Madaxda iyo Hawlwadeennadda Hay’addaha Qaranka iyo Ururradda Bulshadda Hal Maxfal isugu yimaadaan, ka wada xaajoodaan Wada-shaqeyntooda iyo Xoojinta Nabadda.
Ergooyinka ka qeyb galay Shirkaasi waxay kaloo si saraaxad leh u lafa-gureen Caqabadaha hor taagan Sugidda Ammaanka ee magaalladda Muqdisho iyo Goballadda kale.
Ka-qeyb-galayaasha waxay isku Aragti ka noqdeen inay Nabadgelyo-xumidda keento Shaqo La’aanta, Aqoon La’aanta iyo Caddaalad-xumo, iyo in loo baahan yahay in Dhallinyarradda shaqo loo abuuro, la xoojiyo Wacyi-gelintooda iyo Wada-shaqeynta ay la leeyihiin Laamaha Ammaanka Qaranka.
Madaxdii iyo Dadweynihii ka hadlay Kulankaasi waxay kaloo soo bandhigeen Talooyin dhaxal-gal ah oo lagu xoojinayo  Iskaashiga Hay’addaha Ammaanka iyo Ururradda Bulshadda iyo sidii looga hortegi lahaa Xag-jirnimadda iyo Kooxda Alshabaab ee ku caan baxday Argagax-gelinta Ummadda.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federalka, Md. C/risaaq Cumar Maxamed oo ka hadlay gebagabadda Shirkaasi, waxa uu u mahadceliyey Madaxda Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda (CCA) oo uu sheegay inay Hormuud ka yihiin Hawlaha lagu wayi-gelinayo Bulshadda iyo Xoojinta Nabadda.
Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Dowladda Federalka taaba-gelinayso Talooyinka muhiimka ee lagu soo bandhigay Shirkii Wada-tashiga ee Hay’addaha Ammaanka iyo Bulshadda ku yeesheen Hotelka City Palace ee magaalladda Muqdisho.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshadda “Center for Community Awareness (CCA)â€,  Md. Maxamed Ibraahim  Cali “Maxamed Cajiib†ayaa ka hadlay gebagebabadda Munaasabaddaasi, wuxuuna ballan-qaaday inay Bulshadda Goballadda gaarsiin doonaan Farriinta Qaran ee ay xambaarsan tahay Qiimaha ay Wada-shaqeynta Hay’addaha Ammaanka iyo Bulshadda u leedahay Sugidda Ammaanka iyo Horumarka.
Guddoomiye Maxamed Cajiib waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Wada-tashiyadda noocaasi ay horseedi karto in laga guuleysto Kooxaha Xag-jirka ee khatarta ku ah Mustaqbalka Dhallinyarradda iyo Deganaanshaha Bulshadda.
Dhinaca kale,  Wasiirkii hore ee Eng. C/raxmaan Cumar Osman “Yariisow†ayaa soo bandhigay Mowduuca ku aadan Sida looga guuleysan karo Alshabaab iyo Xag-jirnimadda, wuxuuna xusay in loo baahan yahay inay Aqoonyahannadda, Culuma’udiinka iyo Ururradda Bulshadda si wadajir ah ugu qeyb galaan Xoojinta Nabadda iyo La-dagaalanka Kooxda Alshabaab ee khatarta ku ah Mujtamaca.
Taliyihii hore ee Boliska Gobalka Banaadir, Jeneral Maxamed Cumar Ma-daale iyo G/xigeenka Ururka Haweenka Qaranka, Marwo Canab Cilmi oo ka hadlay Kulankaasi waxay qireen in Dhallinyarradda Lafdhabar u yihiin Sugidda Ammaankam loona baahan yahay inay Dhallinyarradda la shaqeeyaan Hay’addaha Ammaanka, si loo gaaro Nabad buuxda.
© Radio Dalsan