Shirkii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu ballansanaa in uu qabsoomo maalinta berrito ayaa la shaaciyay in dib uu u dhacay.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in Shirka Golaha Wadatashiga ee uu ku baaqay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud uu dib ugu dhacay arrimo farsamo awgood.
Xukuumadda qoraalka kasoo baxay ayaa kaliya lagu sheegay in shirka dib loo dhigay muddo kooban oon la cayimin, waxa uuna baaqashada shirkan imaanayaa xilli madaxda maamulada dalka qaarkood Muqdisho joogaan, halka kuwa kalana dalka ka maqan yihiin.
Madaxweynaha maamulka Puntland oo kamid ah madaxda lagu casuumay shirka ayaa horey uga biyo diiday in uu ka qeyb galo, Puntland ayaa sidoo kale horey qeyb uga noqon shirarkii hore ay u yeesheen madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada.