Shirkadda Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday in ay isaga baxday suuqa duulimaadyada Soomaaliya, kadib markii ay la tacaali weyday tartanka adag ee ka jira dhanka duulimaadyada gudaha Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka sare ee Kenya Airways ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kaddib markii si qoto dheer loo falanqeeyey caqabadaha ganacsi ee ka jira suuqan, gaar ahaan dhinacyada hufnaanta shaqada iyo tartanka xoogan.
Bayaan uu diray Maareeyaha Guud ee Kenya Airways, Allan Kilavuka, ayaa lagu xusay in shirkaddu ay si rasmi ah u joojin doonto duullimaadyada rakaabka ee Muqdisho laga bilaabo 14-ka Oktoobar 2024. Warqad u diray Wasaaradda Gaadiidka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Kilavuka ku sheegay in culeysyo shaqo iyo tartanka adeegyada qiimaha jaban ee shirkadaha maxalliga ah ay horseedeen go’aankan adag.
Tan iyo markii ay Kenya Airways dib u bilowday duulimaadyadeeda Soomaaliya lix bilood ka hor, waxay la kulantay tartan xoog leh oo kaga imaanayay shirkadaha kale ee bixiya adeegyo raqiis ah. Diyaaradaha qaadka ee maalin kasta duula, oo isna saameyn ku leh suuqa, ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay kaalin ku lahaayeen sababta ay shirkaddu uga baxday suuqan muhiimka ah.