Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Dowlad-gobaleedyadda waxay ilaa iyo saqdii dhexe ee xalay lahaayeen La-tashiyo ku aadan Nidaamka Doorashooyinka iyo Awood-qeybsiga.
Siyaasiyiin ka mid ah Xubnihii ka qeyb galay Shirkaasi ayaa inoo sheegay in lagu kala qeybsamay Nidaamka la qaaadan lahaa, iyadoo Madaxweynaha Maamul-gobaleedka K/Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku adkeystay in Nidaamka 4.5 lagu soo xulo Aqalka Hoose iyo Aqaalka Sare ee Barlamaanka soo socda.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe waxay iyagana ku adkeysteen in Nidaamka Xulashadda Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda iyo Awood-qeybsiga lagu saleeyo Nidaamka Deegaanka.
Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed waa uu ka gaabsaday Muranka la xiriira Nidaamka Awood-qeybsiga.
Wararka ugu dambeeyey ee saakayto naga soo gaarayo Kismaayo ayaa sheegay in Fadhigii xalay lagu kacay micnaheedu tahay inuu sidaas ku xirmay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka ee dorraad ka furmay magaalladda Kismaayo.
Dhinaca kale, waxaa suurtogal ah inay Madaxda maanta yeeshaan Kulamo kale oo La-tashi ah, si meel dhexe la isugu yimaado Khilaafka ka taagan Nidaamka loo qabanayo Doorashooyinka soo socda.
Wixii ku soo kordha Shirkaasi waan idiin soo gudbin doonaa Insha Allaahu.
©Radio Dalsan       Â