Magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa waxaa Maanta oo jimco ah lagu wadaa inuu ka furmo Shirka caalamiga ah ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka (COP28), kaasi oo ay marti-gelineyso dowladda Imaaraadka Carabta.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Hoggaamiyeyaal ka socda dalalka caalamka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay Shirka, waxaana inta uu socdo looga hadlayaa saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka.
Madaxda gaartay magaalada Dubai ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaasi oo shirka furmaya ka qeyb galaya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shirka kusoo bandhigi doona saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed, muhiimada in la helo taageero caalami ah iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso daadadka iyo fatahaadaha ay sababatay duufaanta El Niño oo khasaare nafeed iyo hantiyeedba geysatay.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Inaaraatka waxa uu kulammo la qaadan doonaa Madaxweyneyaasha caalamka ee shirka kasoo qayb galaya, si taageero caalami ah loogu helo gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadkeenna ku dhibaateysan deegaannada ay qaateen daadadka Roobka.