Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa waxaa Maanta ka furmaya shir aan caadi aheyn oo ay Madaxda Urur-Goboleedka IGAD kaga arrinasanayaan faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayay oo ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu socdo Shirka Madaxda Urur-Goboleedka IGAD la filayaa inuu halkaasi ka jeediyo khudbad uu uga soo horjeedo damaca Itoobiya ee ku dooneyso dhul Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdiga wehelinaya ayaa sidoo kale ka qeyb-gali doona shirka Isbaheysiga dalalka dhex dhexaad ka ah.
Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda aan ka qeyb galeyn shirkan deg dega ah ay isugu imaanayaan madaxda IGAD, waxa ayna Itoobiya qoraal ay soo saartay uga cudur daaratay in ay shirkaasi ka qeyb gasho.
Shirka ayaana la filayaa in laga soo saaro go’aanno lagu taageerayo madax-bannaanimada Soomaaliya , sidoo kale looga soo horjeedo heshiis beenaadkii ay wada galeen dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland.