Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta si rasmi ah dib uga furmay xarunta Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu shir-guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Shirka oo ah mid muhiim u ah mustaqbalka siyaasadda dalka, ayaa waxaa isugu yimid madaxda heer federaal iyo saddex ka mid ah maamul goboleedyada Koonfurta Soomaaliya, oo ay ku jiraan wakiillada Gobolka Banaadir.
Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa ka maqan kulanka, iyadoo uu Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubbaland, ka baxay shirka kadib khilaaf ku saabsan habraacyada doorashooyinka iyo hannaanka amniga.
Maqnaanshaha labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Puntland ayaa soo kordhinaya caqabadaha ku xeeran go’aanada ay soo saari karaan madaxda ku sugan shirka, hase yeeshee waxaa la filayaa in shirka laga soo saaro war-murtiyeed la xiriira arrimaha amniga iyo geeddi-socodka doorashooyinka soo socda ee dalka.
Waxaa kaloo la saadaalinayaa in madasha looga hadlo sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeynta heerarka kala duwan ee dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, iyadoo diiradda lagu saarayo is-aaminaadda, hirgelinta amniga guud iyo dardar-gelinta doorashooyinka oo ay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba aad isha ugu hayaan.
Shirka oo lagu wado in uu socdo maalmo dhowr ah ayaa la filayaa in go’aan rasmi ah laga gaaro qodobbada laga hadlayo, taas oo muhiim u noqon doonta xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.