Waxaa maanta deegaanka Burka diirimeed  ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa lagu wadaa inuu ka furmo shirka dib u heshiisiinta ee u dhaxeeya beelo dhowaan ku dagaalamay deegaano hoostaga degmooyinka Cadale iyo Raage-ceelle.
Shirkaan ayaa waxaa lagu doonayaa in heshiis looga gaaro Colaada soo laab-laabtay oo u dhexeeysay laba beelood oo walaalo ah oo maalmihii lasoo dhaafay uu dhexmaray dagaal xooggan oo dhaliyay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo guryo la gubay.
Dadaalo nabadeed oo ay sameeyeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, Imaam Daahir iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa lagu guuleystay in marka hore xabad joojin laga dhex dhigo beelaha, lana kala qaaday ciidamada, iyadoona maanta lagu wado inuu furmo shirka dib u heshiisiinta ah.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Odayaasha dhinacyadii dagaalamay, Duubab dhaqan, Sheekh Shariif, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlawe, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Hirshabeelle iyo xubno kale, kuwaasi oo dhammaan ku sugan deegaanka Burka diirimeed  oo ay taalo gogosha shirkaasi.
Si kastaba, deegaano hoostaga degmooyinka Cadale iyo Raage-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa kusoo laab-laabtay dagaal beeleedyo khasaaro badan dhaliyey, isla markaana keenay in guryo la gubay, waxaana xusid mudan in dhowr jeer oo horey la isku dayay in la xaliyo Colaada, hayeeshee lagu guuleysan waayay.