Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolayga ayaa maanta Hotelka Glopal ee magaalada Muqdisho ku qabtay Shirwaynihii sanadlaha ee xiriirka ,waxaana ka kasoo qayb galay  Masuulyiin ka socotay Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga ,Madax ka soctay Gos , kooxaha iyo ururada XSKK , Madaxda iyo Xubanaha xirirka kubada kolayga  iyo Marti sharaf lagu casuumay.
Ugu horayn waxaa Shirwaynaha ka halday kaaliyaha Xogahayaha XSKK Cabdi Cabdulle Baasaale oo ka warbixiyay Waxqabdaka xiriirka ee dalka iyo dibada howlihii xirirka u qabsoomay, tartamadii kubada kolayga horyaalka iyo Jenaraal Daa’uud, seminarki loo qabtay garsoorka ciyaaraha heerka degmo ee Wiilal iyogabadho. tartanki xidigaha iyo xiyaarihii Zone 5 ee xulak qaranka ka qayb galay.
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Kolayga Cabdullaahi Nuur Maxamed Cadaani oo qudba dhee  ka jeediyay Shirwaynaha ayaa a warbixiyay in xiriirka intii guddoomiyaha ka ahaa,  howlo bdan ka qabtya dalka gudahiisa iyo dibadiisa uuna  ku guulaystay in 24 sano kadib xili habeen ah la ciyaaro tartan kubada kolayga ah ,
Gudoomiye Cadaani oo sidoo kale ka warbixyay qorshaha Xiriirka ee 2015, oo ay ugu horayn doonaan dhamaystirka Koobka Genaraal Daa’uud oo iminka Socda Ciyaaraha 3 x3 oo qaban doono, tababar loo fidin doono garsoorayaasha oo heer Zone ah sandkan ka dhici doona Magaalada Muqdisho, ciyaarod alak dibadiisa ka dhici doono oo  Wiilal iyo Gabdho ah xiriirkana  ka qayb gali doono.
Agaasimaha guud ee Wasaardda Dhalinyarada iyo isboortiga Cabdullahi Aabow Xuseen oo Shirwanyaha ka hadlay ayaa sheegay in ay wasaaradda ku qanacsan tahay horumarka uu xiriirka kubada kolagya ku talaabsaday maadaama uu noqday xiriirka ugu horeeyay 24 sano kadib xli habeen ah ciyaarv qabto, waxuuna intaa kudaray in wasaradau ay garab istaagi doonto XSKK.
Madaxa Xiriirada Gos oo ka hadlay shirwanaha ayaa dhankiisa sheegay Gos ay soo dhawanayso dadaalka kudayashada mudan ee xiriirka kubadda kolayga sameeyay, waxuuna kula dardaarmay in ay halkosoakasii wadaan.
Kooxaha iyo ururada xiriirka kubadda kolayga ee shirwaynah ku sugnaa ayaa u gudo galay ansaxinta Darstuurka Xiriirka Kubadda kolayga oo ay cod  aqlabiyad leh ku ansaxayiyeen, Kooxaha ayaa dhanka kale  dalbaday in Xoghayaha XSKK Saciid Faarax Ducaale uu hor yimaado kooxaha kadib marki ay kooxuhu  sheegeen in aysan ku qancin xisaab celintii xoghayaha ee tantanki Zone 5 ee ka  dhacay dalka Uganda, waxayna  Cod aqlabiyad leh  kooxuhu isku raaceen in muddo 60 maalmood ah uu  xogahayaha dalka ku yimaado sharaxaadna uu ka bixiyo.
dhanka kale waxaa Shirwaynaha  lagu ansaxiyay xubin iyo guddoomiye Sharafeed, waxaana xubin sharafeed loo ansaxiyay  Marwada Madaxwanaha Dalka Sahro  Cumar Xasan  , iyadoo guddoomiye sharafeedna loo ansaxiyay in uu noqdo  Guddoomiyihii hore ee xiriirka kubadda kolayga Ibraahin Xuseen Cali Roombe.
Guddoomiye Cadaani aya ugu dambayn  shirwaynaha  soo xeray ,waxuuan u mahad celiyay dhamaan kooxaha iyo ururada shirwanaha ka soo qayb galay iyo codka aqlabiyada leh oo ay ku ansaxiyeen Dastuurka Xiriirka iyo doorka wacan ay ka qaateen horumarka xiriirka .
 W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Email: [email protected]