Waxaa Magaalada Maka ee dalka Sacuudiga, Maanta ka socda shir weyne looga hadlayo arrimaha Xagjirnimda wadamada islaamka, kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 700 kun oo qubaro ah oo aqoon u leh arrimaha islaamka iyo la dagalanka waxa loogu yeero argagixisadda.
Sheikh Axmed al Tayip oo ah wadaadka ugu wayn jaamacada Al Azhar ee Masar, ayaa sheegay in shirka uu yahay mid muhiim ah islamarkaana looga hortago kooxaha sida khaladka ah u micneeya quraanka.
Sidoo kale Wuxuu ku baaqay in iskuulaadka iyo jaamacadaha ay dhiirigaliyaan mudnaanta muslimka, ayna cambaareeyaan kooxaha argagixisada ee sida xun u dhaqma.
Shirkan looga hadlayo arrimaha argagixisada ayaa waxaa sanadkan loogu magac daray “ Midnimada Muslimiintaâ€.
Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi,ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la abuuro ciidamo carbeed oo la dagaalama kooxaha xiriirka la leh Al Qaacida sida Daacish.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha ay ka jiraan dagaalada kooxaha xiriirka la leh Al Qaacida ay ka wadaan.