Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad ΓΒ goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa Gudoomiyey Shirka Gollaha Amniga Dowladda Koonfur Galbeed.
Shirka oo ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Baay, Sarakiisha Laamaha Amniga Booliska, Mileteriga, Nabad Sugida, ATMIS iyo Saraakiil Ka socday Dowladda Ingiriiska.
Shirka Waxaa looga hadlay Xoojinta Howlgalada lagu soo afjaraayo dagaalamayaasha Al-Shabaab, oo gacanta ku haya degaanno badan oo ka tirsan maamulkaasi.
Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa u mahadceliyey Ciidamada qeybahooda kala duwan ka qeybqaadashada sugida amniga Deeganada Koonfur Galbeed waxana Saraakisha uu Faray in loo diyaar garoobo Howlgallo ka dhan ahΓΒ Argigixisada Al-shabaab.