kulankan oo ay isugu yimaadeen xildhibaano katirsan baarlamaanka federaalka ah ee soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka sh dhexe, duubab xaga dhaqanka caan ku ah, siyaasiyiin horay dalka xilal ugasoo qabtay iyo kuwo hada xilal haya ayaa waxaa uu kafurmay degmada balcad ee gobolka shabeelaha dhexe maalinimadii arbacada ee 20kii bishan.
kulanka ayaa waxaa gogoshiisa fidiyay soona abaabulay xildhibaanada kala ah cumar maxamad maxamuud (finish), xasan macalin iyo qaasin cali nuur (furdug) waxana dhanka duubabka kadhex muuqday ugaas maxamuud cali ugaas iyo malaaq cali malaaq maxamad.
mas’uuliyiinta kale ee madashaasi fadhiday waxaa kamid ahaa gudoomiyeyaasha degmooyinka wadajir, dharkeynley iyo kaaraan oo dhanka gobolka banaadir ah, shabeelada dhexana waxaa kafadhiyay gudoomiye kuxigeenka gobolka axmed meyre makaraan (axmad faal) iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka balcad warsheekh iyo ruun nirgood.
gudoomiyihii hore ee degmada wadajir axmed xasan cadow (daaci), gudoomiyaha bulshada rayidka ah ee degaanada banaadir muxudiin xasan afrax, lataliyaha gudoomiyaha gobolka banaadir yuusuf ibraahin afrax (yuusuf kabaalle), ex xildhibaan xuseen caraale cadaan iyo gudoomiyaha golaha dhaqanka shabeelaha dhexe C/fitaax Macallin maxamuud ayaa iyana kamid ahaa mas uuliyiintii kulankaasi ka hadashay.
dhinaca kale c/lahi sheekh xasan cali oo ah wasiirka ganacsiga maamulka koonfur galbeed soomaaliya ayaa isaguna qeyb ka ahaa masuuliyiinta shirkaasi lagu marti qaaday.
shirkan ayaa waxaa kahadlay ugaas maxamuud cali ugaas kana duceeyay waxana uu sheegay in gogosha balcad aysan xirneyn oo ay furan tahay waxaana xusid mudan in kulankan balcad uu kusoo aadayo todobaad kadib markii madaxweyne xasan sheekh maxamuud uu kafuray shirka maamul usameynta gobolada hiiraan iyo shabeelaha dhexe magaalada jowhar
mas uuliyiintii shirkaasi ka hadashay ayaa sheegay in aysan ahayn kuwo wax gooni ah jiidanaya balse ay doonayaan in ay is arkaan dadka ay wax isla leeyihiin si deganaan ah ay uga wada tashadaan aayahooda iyo sida ay wax u wajahayaan.