Waxaa jiraa warar laisla dhexmarayay oo sheegayay in in afhayeenka golaha aqalka wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay qorsheyneyso inay booqasho ku tegto Taiwan, arrintaas oo si weyn uga careysiisay Shiinaha islamarkaana Mareykanka ku noqotay madax xanuun.
Shiinaha ayaa ku hanjabay in booqashadaas ay ka dhalan doonto Γ’β¬Λcawaaqib halis ahΓ’β¬β’ waa haddii Nancy Pelosi ay booqasho ku tegto jasiiradda Taiwan.
Mrs Pelosiayaa noqoneysaa siyaasigii ugu sarreeyay ee Amerikaan ah oo u safra jasiiradda Taiwan tan iyo sanadkii 1997.
Shiinaha wuxuu u arkaa Taiwan gobol ka tirsan dhulka Shiinaha isla markaana aysan ka goΓ’β¬β’i karin.
Xukuumadda Bejing ma aysan sheegin in suurtagalnimada arrintani uu si awood ah ku fulin doono.
Maamulka Biden waxaa lagu soo warramayaa inay isku dayayaan sidii Nancy Pelosi ay isaga dhaafi laheyd safarka.
Toddobaadkii lasoo dhaafay, madaxweyne Joe Biden wuxuu weriyeyaasha u sheegay in Γ’β¬Λmilitariga uu arrinta u maleynayo qorshe aan wanaagsaneynΓ’β¬β’ balse wuxuu Aqalka Cad ku tilmaamay hadallada Shiinaha ee ku saabsan safarkaas ay yihiin Γ’β¬Λkuwa aan wax tareyn oo aan loo baahneynΓ’β¬β’
Wasaaradda arrimahada dibadda ayaa sheegtay in Nancy Pelosi aysan shaacin safarkan balse mowqifka Mareykanka ee qadiyadda Taiwan ay tahay arrin aan weli isbaddalin.