Goobtu waa Maqaaxi laga cabo Kafeyga iyo Shaaha, waxaa ku wada sugan rag Waayo-u-joog u soo ahaa Dowladihii dalka ka talin jirey tan iyo Xorriyaddii dalka muddo haatan laga joogo 55-sanno.
Waxaan caadi u galay Maqaaxida oo aan ka dalbaday Shaah, waxaana fariistay Miis aan ka fogeyn halkii ay Odayaasha ku lafa-gurayeen Xaalladda Siyaasadda ee Somalia.
Inta aanan laacin shaahii waxaa dhegahayga ku soo dhacay duulduulka sheekadooda oo ku aadanayd Nidaamka Doorashadda soo socota iyo qaabka ay noqon karto Dowladda cusub ee la dooran karo bisha August ee sannadka soo socda.
Waxa aad ii soo jiitay Doodda Akhiyaarta, waxay u hadlayeen si Xikmad leh, mana ahayn Fadhi-ku-diriryadda  buuqa ku dhamaada ee la isugu yimaado goobaha lagu shaaho iyo goobaha kale ee Bulshadda.
Doodii Odayaasha  ayaa qoraal ahaan u soo habeeyey, waxaana ka cuddur-daaranayaa inaan magacyadda aan u isticmaalayo Sheekadda ahayn kuwa rasmiga ee Odayaashii ku doodayey Kafateeriga, illayn umaba lihi aqoon, oo si kedis baan ula kulmay doodahooda.
Ismaacil:- Somalia hadda ayey Jidkii Toosnaa isku raaci karaan, oo lagu soo dhisi karaa Dowlad Qaran.
Mursal:- Rajo Fiican ayaa sheegtay, laakiin, waxaan maqli jirey Farri kama qodna Faanoole. Xaalku weli waa calawsan yahay.
Mubaarak: Anigu waxaan aad uga fekerayaa Nidaamka Doorashadda u dhici doonto iyo Awood-qeybsiga Dowladda. Waayo xilligan ma jiro Tixraac Dowladeed, Hiigsiga Hannaanka Doorashadda, waxaana goobjoog u soo ahayn in Doorashaddu ku iman jirtey Nidaamka Xisbiyadda Siyaasadda. Hadda ma jiraan, oo sababo farsamo ayaa loo dhisi waayey.
Meecaad: Anigu waxay ila tahay in Doorashadda lagu saleeyo Heer Deegaan, weliba Degmooyinkii dhisnaa Xilligii Dowladdii Kacaanka.
Salxaan: Horta waxaa habboon in la isweydiiyo Doorasho ma ka dhici kartaa dalkeenna, iyadoo ay Siyaasiyiinta kala ujeedo yihiin, Alshabaab weli maamulaan Degmooyin badan, iyo  Somaliland oo Calan Gaar iyo Maamul Gaar yeelatay. Waan la anfariiraa Dhaqanka Siyaasiyiinta ee Shimbiriyahow Heesa oo kale ah.
Ismaaciil: Waxaa ii muuqata Lama Huraan Waa Cawska Jiilaal, lagama maarmi karo Awood-qeybsiga 4.5 ee 12-kii sanno ee la soo dhaafay Saamiga Xilalka Qaranka lagu wadaagi jirey.
Mursal: Siyaasiyiinta haatan jooga waxay badankooda Masraxa Siyaasadda ku yimaadeen Awood-qeybsiga 4.5. Fiiri Xasan Sheekh waxa uu Xilka Madaxtinimadda ku yimid Doorashadda Nidaamka Saami-qeybsiga 4.5. Bal Fiiri Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, xilligii uu Ra’isul-wasaaraha Dowladdii KMG ahaa kuma uusan imaanin Doorasho oo waxaa uu xilkaasi ku helay Saami-qyeybsiga 4.5. Saas oo kale, Madaxweynayaasha K/Galbeed iyo Galmudug, waxay ku soo caan baxeen Nidaamka 4.5 oo ay ku yimaadeen Masraxa Siyaasadda. Marka in hadda la diido Nidaamkii 4.5 waa wax Fooqul-caqli ah.
Mubaarak:- Waa runtaa Geel labo jir soo wada mar, laakiin Isbedel ayaa loo baahan yahay iyo in Aragti Cusub la soo bandhigo.
Meecaad: Aragti cusub xilligeeda lama joogo, weli Dhiig-joojin iyo isku doonka Qaranka ayaa lagu jiraa. Haddii ay Madaxda Qaranka iyo kuwa Gobalka u dhaqmaaan sidii Indho-ku-garaadle, walee, Yaa U Sheega, Yaa Ogeysiiyaa Alshabaab iyo Daacish weli dalka ayey la joogaan.
Salxaan: Anigu waxaan qabaa Hoggaamiye kasta Ra’yigiisa ayuu iib geynayaa, laakiinse, lama hayo Ra’yi ka gadmi kara Ummadda Soomaaliyeed, Madaxduna danahooda iyo mustaqbalkooda ayey u xusul-duubayaan.
Ismaaciil: Waa Mashruuc NGO oo kale, balse, waa inay Madaxdu ogaadaan inuusan Qaranku ahayn Shaybaar marba Nidaam lagu tijaabinayo. Nidaamka Doorashadda ha lagu saleeyo Degmooyinka, waxay iigu muuqataa Riyo Dhalanteed ah.
Mursal:- Doorashadda Degmooyinka waa la gaari doonaa, balse, Xilligan Maa Yamshii.
Mubaarak: Anigu waxay ila tahay in aan laga been sheegin Ra’yi-ururinta Ummadda ku nool Goballadda, mana ah in la iska indha-tiro Waaqiciga Taagan, Ha la aqoonsado Maamul-gobaleedka Khaatumo, ha la dedejiyo Dhismaha Maamul-gobaleedyadda Sh/Dhexe iyo Hiiraan, Maqaamka Muqdisho, hana la mideeyo Galmudug iyo Ahlu-sunnadda Goballadda Dhexe.
Meecaad: Waa kuugu raacsanahay waa Talo Qaran, waana in xalka laga raadiyaa Ra’yiga Guud ee Maamul-gobaleedyadda Dhisan iyo kuwa Dhismayo, waana in Cod Hal-dheeri ah lagu kala baxaa.
Salxaan: Waa fiican yahay Ra’yigaasi, laakiinse, Talo aan laga qeyb gelinin Walaalaha Somaliland waxay noqonaysaa Godob ka daran Falalkii Gaboodfalka iyo Xasuuqii ee ay Dowladdii Kacaanka iyo Saraakiisha la yaqaano u geysteen Ummadda ku nool Goballadda W/Galbeed, Togdheer iyo Awdal.
Ismaaciil: Dib-u-heshiisiin Dhamaystiran oo Siyaasadeed iyo mid Bulsho ayaa loo baahan yahay iyo in Maslaxadda dalka laga wada tashado oo aan lagu koobin Ashqaas damac-hoose oo wax bi’in kara keeni kara.
© Radio Dalsan      Â