Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Shariif Sh. Ahmed ayaa eedeyn u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii galabta uu Shariif Warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho.
Shariif ayaa waxa uu sheegay in hanaanka loo wado wax ka beddelka dastuurka uu yahay “mid meesha ka saaraya dastuur loo mideysan yahay oo lagu dhaqmo, isla markaana aysan suuragal aheyn in la aqbalo qaabka ay hada wax u socdaan.
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka shaqeynayo Qabyaalad, isagoo xusay wixii shalay ay wadajir u diidanaayeen markii ay mucaaradka ahaayeen wax ka culus uu dalka ka socdo.
“Shalay aniga Madaxweyne Xasan Sheekh iyo rag kale oo mucaarad ah halkan ayaan wada taagneyn annagoo ka horjeedno Farmaajo oo aan ku eedeyneynay hannaankii doorashada inuu afduubay , qabiilnimo ma aheyn waxa aan ku diidaneyn . Maanta wixii aan barigaa wadajir u diidaneyn wax ka culus ayaa socda, dastuur ummaddu wada leedahay ayuu Madaxweynuhu leeyahay sidan rabo haleygu qoro,oo yaan leyga farafareyn, cidna kalama tashanayo†ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu intaas kusii daray Xildhibaan Shariif in waxa socda uusan aheyn dhameystir dastuur ee uu yahay dastuur beddel, isla markaana hadii wax aan sax aheyn ay Baarlamaanka mariyaan aysan shaqeyn doonin.
“Waxaa intaa dheer muddo ayaan uga caqli celineynay sanad ka badan Madaxweynaha inuu ka joogo ummadda wax ayan u dhameyn. Wax kasta waxa ay gaareen hadda heerkii ugu hooseeyay oo qabyaaladii baa xoogeysatay , is aaminaadii ayaa hoos u dhacday, Waxaan leenahay Madaxweyne ku soo laabo waddada saxda ah , dalkaan ha gaarsiin meel aan laga soo celin karin , wixii shalay aad diidaneyd cid kaa yeeleysa ma jirtoâ€