Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dagaalka ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda, isagoona soo saaray Baaq ku socda madaxda dowladda Federaalka iyo saraakiisha ciidamada.
Sheekh Shariif oo Qoraal kusoo qoray bartiisa Facebook ayaa waxa uu marka hore uu ku sheegay in Mowqifkiisa ku aaddan la dagaallanka Shabaabka uu yahay mid soo jireen ah oo aan maranaba isbeddelin xilli kasta iyo marxalad walba.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa tilmaamay inuu si buuxda u garab taagannahay dagaalka Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa deegaanka ay kula jiraan dagaalamayaasha Al-Shabaab.
“Qaladaadka jira ee sababay dhibaatada ku dhacday ciidanka qaarkiisa lagama aamusi karo, masuuliyadiisana waa in dadka ay quseeyso qaataan ama waa in ay la yimaadaan istiraatiijiyada iyo qorshe ka duwan midki hore. Geesiyaasha dhiigooda huray marna ma aqbalayno inay dayacmaan, cidna uguma heeybeeysaneeyno ina difaacno xuquuqdooda†ayuu yiri Shariifka.
Wuxuu intaas kusii daray “Markale, waxaan codsanaynaa inaan la marin habaabin dagaalka lagula jiro Argagaxisada, lana siyaasadayn, si masuuliyad ahna loo waajaho oo aan lagu mashquulin waxyaabo aan waxba ka so kordhineen. Dagaal wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyo cad, qorshe siyaasaded iyo xiriir caalami ah oo isgarab socdo, natiijadiisuna tahay dib u xoraynta dalkaâ€