Innaa Lillaahi Wa’innaa Ileyhi Raajicuun. Allaha u naxariisto Sheikh Cismaan Sheikh Cumar Sheikh Daud Culusow (Sh. Cismaan Xiddig), oo maalmahaan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho oo geeriyoodey . Sheekhu waxa uu ahaa caalim weyn oo cimrigiisa ku bixiyay fidinta tacliimta diineed, waxaana madarasaddiisa ka aflaxay kumannaan Soomaali iyo ummadaha kale oo Muslim ah.
Intaas waxaa u dheerayd inuu ahaa gogol iyo gole weyn oo loogu soo hirto samo-ka-talinta guud ee ummadda Soomaaliyeed. Waxaa lagu xasuustaa inuu kaalin weyn ka qaatay nabadeynta iyo xalinta khilaafaadka, isagoo marar badan la dhexdhigay qolyaha isku haya, si loo gaarsiiyo heshiis iyo is-afgarad.
Xalay, saqdii dhexe ayuu u yimid xaqii, waxaana maanta lagu aasayaa magaalada Muqdisho, isagoo lagu xasuusto samafalkiisa iyo waxtarkiisii ballaarnaa.Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan ardaydiisa iyo intii uu u soo tababbaray diinta iyo cilmiga, ayaa ka tiiraanyeysan geeridiisa, iyagoo Allaah uga baryaya inuu ka abaalmariyo jannatul firdowsa, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.
Waxaa sidoo kale lagu xusuusan doonaa Sheekh Cismaan sida uu ugu heellanaa danta guud iyo sidii uu ugu adeegayay dadkiisa iyo dalkiisa. Wuxuu noqday tusaale iyo hogaamiye ku dayasho mudan, oo ka tagay raad aan la iloobi karin. Qoyskiisa iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee uu saameeyay, waxa uu ka tagey xusuus iyo gocasho aan dhamaaneyn.Waxaa Sheekha lagu aasayaa degmada kaaraan ee gobolka Banaadir gaar ahaana masjidul Shifaa
Allah ha u naxariisto Sheekh Cusmaan, ha dhigo hoygiisa Jannatul Firdowsa.