Sheekh Axmed Al-camaari oo horey u ahaa Hormuudkii hore ee Kulliyadda Qur’aanka Kariimka ee Jamaacadda Madiinah Al-munawarah ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Xabsiga Sacuudiga, sida ay shaaciyeen Koox u dooda Xuquuqda Maxaabiista ku xiran dalkaasi.
Qoraal ay Kooxdaasi soo dhigeen barta ay ku leeyihiin Twitter-ka waxay ku sheegeen inuu Marxuumku u geeriyooday dayacaadda dhinaca daaweyntiisa, waxayna ku eedeeyeen Madaxda Xabsiyadda dalkaasi inay mas’uul ka yihiin geeridiisa.
Marxuumka waxaa la filayaa in maanta lagu aaso magaalladda Maka Al-mukarama, sida ay sheegeen Kooxda u dooda Xuquuqda Maxaabiista ku xiran Sacuudiga.
Dowladda Sacuudiga weli kama hadlin Warbixintan ku aadan geerida Marxuum Sheekh Axmed Al-camaari oo isaga Xabsiga ku jiray tan iyo bishii August ee sannadkii hore.