10 ka mid ah 150 Shaqaale Soomaaliyeed oo dabayaaqadii sannadkii hore ka ruqseystay Shirkadda Hilibka ee The Cargil Beef Plant ayaa la sheegay inay dib uga hawl bilaabeen Shirkadaasi oo ku taalla Degmadda Fort Morgan ee Gobalka Koloraado ee dalka Maraykanka.
Shaqaalaha iyo Shirkadda ayaa horey isugu qabtay Fasaxa Xilliga Tukashadda Salaadda, iyadoo Shirkaddu haatan sheegtay inay wax ka bedeleen Nidaamka Fasaxa Salaadda.
Shirkadda waxay kaloo wax ka bedeleen Sharciga Ruqsadda, iyadoo Shaqaalaha Soomaalida la siiyey Fursad ay mar labaad ku soo codsan karaa Shaqaalenimo muddo 30-maalmood, halkii ay horey ka ahayd 180-maalmood.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah Shaqaalihii horey uga ruqseystay Shirkadaasi ayaa sheegay inaysan jirin Isbedel dhinaca Shirkadaasi, taasi oo aan u saamixi karin inay dib ugu laabtaan Shaqada Shirkadaasi.
Ilaa 200 shaqaale Soomaali ayaa waxay hal maalin ka wada ruqseysteen Shirkadda Hilibka ee The Cargil Beef Plant ee Degmadda Fort Morgan, kadib, markii ay Madaxda Shirkadda soo rogeen amar lagu xadiday Fasaxa Xilliyadda Salaadda iyo inay Shaqaalaha si wadar (Jameeco) ahaan u tukadaan.
Shirkadda ayaa go’aankaasi ku micneysay iyadoo ay xilliyadda ay Shaqaalaha soo tukanayaan ay dayacnaan ku timaado Wax-soo-saarka Shirkadda.
©Radio Dalsan