Afhayeenka Ciidanka Badda Hindiya oo Qoraal soo dhigay Barta X ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen dhamaan Shaqaalihii la socday Markabka MV LILA NORFOLK ee habeen hore laga qafaashay meel ka baxsan Xeebaha Somalia.
Waxa uu xusay inay 22 Shaqaale la socdeen Markabka, kuwaasi oo kala ah 17 Hindi ah iyo 5 Filibiin ah.
Afhayeenka sidoo kale waxa uu xaqiijiyey inaysan wax Burcad-baddeed ah loogu tegin gudaha Markabka.
Markabka Dagaalka Hindiya ee INS Chennai ayaa la sheegay inuu taageero siiyey Markabka la qafaashay si Dib loogu kiciyo Matoorka Korantada ee Markabka iyo inuu Markabka sii wato safarkiisa.
Warar horey u soo baxay ayaa lagu sheegay inay ilaa 6 dabley hubaysan ay gudaha u galeen Markabkaasi, inkastoo markii dambe la sheegay inaan wax Burcad-baddeed ah lagu arkin Dheega Markabka.