Waxaa maalintii 4aad gashay Qaadashada Shahaadada Xildhibaanimo ee Golaha Shacabka iyo aqalka sare, iyadoo manta ay shahaadada qaateen Xildhibaanno badan oo ka mid ah kuwii dhawaan kusoo baxay Natiijadii la shaaaciyay.
Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa maanta Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gudoonsiiyay xildhibaano ay ka mid yihiin Saadaq-Joon, Qaali cali Shire iyo Senator Muse Sudi Yalahow.
Guddiga ayaa fariin ay saakay ku soo qoreen boggooda Facebook ku sheegay in . si habsami leh ay u socota shahaada siinta xildhibaanada xilli khilaad adag uu ka dhex taaganyahay guddiga doorashooyinka heer federaal.
Guddiga ayaa sidoo kale ugu baaqay xildhibaanada jooga waddanka inay yimaaddaan xarunta guddiga FEIT, si ay uga guul gaaran yoolkeenna dhammeystirka doorashada.