Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyada oo shacabka Muslimiinta ahi ay u dabbaal degayaan munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga, taasoo ka mid ah maalmaha ugu weyn ee farxadda iyo isu hambalyeynta Islaamka.
Masaajidda ku yaalla caasimadda ayaa laga oogay salaadda Ciidda aroortii hore, waxaana lagu arkayay kumannaan qof oo isugu soo baxay tukashada salaadda. Dadkaas ayaa iskugu jiray carruur aad u lebisan, waayeel, haween iyo dhallinyaro, kuwaasoo dhammaantood wejiyadooda laga dheehan karay farxadda iyo damaashaadka maalinta ciidda.
Waddooyinka waa weyn ee Muqdisho iyo goobaha dadku isugu yimaado, sida fagaarayaasha waaweyn, xeebaha iyo suuqyada, ayaa noqday kuwa aad u camiran, iyadoo dadweynuhu ay halkaas ku muujinayeen farxaddooda, iyagoo is-hambalyeynaya, isla markaana isku salaamaya munaasabadda Ciidda. Carruurta oo si qurux badan u lebisan ayaa si gaar ah u muuqatay, iyagoo helay hadiyado kala duwan oo ay waalidiintooda ugu talagaleen maalintaan gaarka ah.
Dhinaca kale, madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta shacabka la tukaday salaadda Ciidda, iyagoo kadib ugu hambalyeeyay munaasabaddan qiimaha badan. Masuuliyiinta dowladda ayaa shacabka ku booriyay in ay maalintaan ay uga faa’iidaystaan isu-duubni, midnimo iyo is-gacan-qabsi, si loo xoojiyo wadajirka bulshada.
Sidoo kale, dunida Muslimka oo idil ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo dalalka caalamka laga oogay salaadda Ciidul Fidriga, iyada oo dadku ay meel walba isugu hambalyeeyeen munaasabaddan barakaysan.
Shacabka Muqdisho ayaa dhammaantood si wadajir ah isugu hambalyeeyay, iyagoo isu muujiyay jacayl iyo walaaltinimo, taasoo ah astaan ka tarjumaysa midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Maalinta ciidda ayaa astaan u ah farxadda, cafiska, is-dulqaadka iyo walaalnimada, waxaana dadka oo dhami isku booqdeen guryaha, isla markaana si niyad furan u wadaageen damaashaadka farxadda ciidda.