Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen inay dagaal kula wareegeen deegaanka Saateelow,oo ka tirsan gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbland,ka dib markii ay deegaankaas weerar ku qaadeen.
Warar ay ku faafiyeen Baraha ay waxku qoraan ee Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in shalay gelinkii dambe ay Al-Shabaab dhowr jiho ka weerareen deegaankaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbland.
Deegaanka Saateelow ayaa u dhaxeeya magaalooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo,waxaana dadka deegaanka qaarkood ay sheegeen in goob fagaaraha Al-Shabaab dadka kala hadleen.
Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Gobolka Gedo weli dhankooda wax war ah kama soo bixin taas oo ku aadan in ay Al-Shabaab la wareegeen deegaanka Saateeloow ee Gobolka Gedo.