Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobe) ayaa Caawa kulan Deg-deg ah la yeeshay Saraakiisha ugu sarreeysa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.
Kulanka dhexmaray Sheekh Aadan Madoobe iyo Saraakiisha Ciidamada ATMIS ayaa waxaa looga hadlaayay inta uu socday sugida amniga Teendhada Afisyooni oo lagu qabanayo doorashada Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Saraakiisha Ciidamada ATMIS ee uu la kulmay ku boggaadiyey inay gutaan waajibaadkooda shaqo mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta Amniga doorashada Madaxweynaha oo 15-ka bishaan May ka dhaceysa Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee Ciidanka ATMIS ee Soomaaliya Lt. Gen Ndegeya Diomede, iyo Brig. Gen. Keith Katungi oo ah Taliyaha Guud ee qaybta Sector One ee ciidanka ATMIS.
SI kastaba kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo galabta Guddiga doorashada Madaxweynaha shaaca ka qaadeen in amniga doorashada Madaxweynaha lagu wareejiyay Ciidamada ATMIS, iyagoona la wareegaya dhammaan Albaabada laga galo Teendhada Afisyooni ee xeyndaanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.