Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka hadlay arrimaha wax ka bedelka dastuurka KMG ah ee dalka oo ay kasoo horjeedan Madaxdii hore ee dalka, siyaasiyiin iyo Maamulka Puntland.
Senator C/raxmaan Faroole oo wareysi siiyay Idaacadda BBC-da ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu beddelay dastuurkii Soomaalidu heshiiska ku aheyd, isla markaana doonayo in mid cusub la meelmariyo, taasin aysan sharci aheyn.
Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland ayaa hadalkiisa intaas kusii daray in xubno ka tirsan ka tirsan Baarlamaanka oo uu sheegay inay mansab ka doonayaan Xukuumadda Federaalka ay ka shaqeynayaan in dastuurka dalka la beddelo.
Sidoo kale Senator C/raxmaan Faroole ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga digay inuu kusii socdo qorshaha dastuurka oo ugu yeeray tallaabooyinka uu majaraha ugu siibayo qaab dhismeedka dowladnimada Soomaaliya.
“Shakhsiyaad ka tirsan baarlamaanka oo iyagu mansab ka doonaya xukuumadda federaalka ayaa kala shaqeynaya (dowladda) in dastuurka dalka la beddelo,†ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Faroole oo xusay in mas’uuliyadda ka dhalata wax baddelka dastuurka inay qaadayaan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba, hadalka Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa kusoo beegmaya, iyada oo maalinta burrito oo sabti lagu wado in Xildhibaanada Baarlamaanka ay ansixiyaan wax ka beddelka dastuurka dalka.