Ethan Sonneborn waa wiil 14-jir ah una dhashay dalka Mareykanka waxaa uu xilligaan isku-soo taagay xilka Guddoomiye Gobol ka tirsan dalka mreykanka,isaga oo ka socda Xisbiga dimuqraatiga ee uu ka tirsan yahay Madaxweyne Donald Trump.
14-jirkaan ayaa waxaa uu ku qoran yahay liiska Warqada codeynta ee doorashada Gobolka Vermont,waxaana uu la tartami doonaa isaga iyo rag kale oo ay isku xisbi yihiin ninka hadda guddoomiyaha ka ah Gobolka Vermont.
Doorashada Guddoomiyaha Gobolka Vermont oo sanadkiiba laba jeer la qabto ayaanan laheyn waxyaabo xadidaya qofka musharaxa u ah xilkaas,marka laga reebo in Gobolkaas uu ku noolaa waxka badan Afar Sano.
Warbaahinta ayaa wax ka weeydiisay sababaha keenay in uu xilkaasi u istaago,waxana uu sheegay isaga oo u waramayay Tv-ga CBS news in uu aad uga xumaadaya toogashadii ka dhacay Iskuulada iyo  rabshadihi cunsuriyadeed ee ka dhacay Magalada a Charlottesville, ee gobolka Virginia dalka Mareykanka.