Shirka wadatashiga Diyaarinta Hanaanka Qaran ee dib u heshiisiinta ayaa diirada lagu saarayaa sidii loo heli lahaa qabya qoraalka Siyaasadda Qaran ee dib u heshiisiinta dalka.
Waxaa ka qeyb galaya qeybtiisa maanta oo uu furay ku simaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta dowladda federaalka Mudane Cabdulaahi Faarax Wehliye madax ka socota hey’adaha dowladda federaalka.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisinta Soomaaliya Cabdulaahi Maxamuud Xasan ( Azhari) waxa uu sheegay in wadatashiyada Hanaanka Qaran ee dib u heshiisiinta inuu soo maray marxalado kala duwan, wasaaraduna ay ku han weyntahay inuu noqdo mid mira dhala, lana gaaro dib u heshiisiinta iyo iscafin waarta.
Kusimaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka Mudane Cabdulaahi Faarax Wehliye oo furay shirka waxaa uu tilmaamay in muhiimada shirkani furmay uu yahay in la helo hanaan sal adag leh oo lagu wajaho dib u heshiisiinta dalka.
Wasiir Wehliye ayaa intaa ku daray in Wasaaradda Arimaha Gudaha ay ku go’an tahay hogaaminta dib u heshiisiinta waarta.
Madaxda Hey’adaha dowladda ka socda oo ka hadlay madasha shirka ayaa bogaadiyay wadatashiga Wasaaaradda Arimaha Gudaha ay la sameynayso dhammaan dhinacyada muhiimka u ah diyaarinta hannaanka Qaran ee dib u heshiisnta.
Shirkan ayaa soconaya laba maalmood, iyada oo maalinka berrita ah qeybtiisa labaad latashi lala sameyn doono ururada Bulshada rayidka oo laf dhabar u ah geedi socodka hannaanka dib u heshiisiinta Qaranka.