Ugu yaraan 83 qof ayaa la sheegay in lagu dhaawacay Dibadbaxii ka dhacay Addis Abeba.
Fitsum Arega oo ah Madaxa Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abyi Axmed Ali waxa uu goor dhow Bartiisa Twitter-ka soo dhigay in Weerarkii maanta lala beegsaday Dibadbaxii lagu taageerayey Ra’isul-wasaare Cusub ee dalkaasi lagu dhaawacay ugu yaraan 83 qof oo 6 ka mid ah xaalladooda aad u liidato.
Ra’isul-wasaare Abyi Ahmed Ali oo isagana ka hadlay Telefishinka ETV wax yar qaraxaasi waxa uu sheegay in dhowr qof lagu dilay, laguna dhaawacay qaraxaasi.
Taliye-xigeenka Boliska magaalladda Addis Abeba. Girma Kassa oo la hadlay Idaacadda FANA ee taabacsan Dowlada Ethiopia waxa uu sheegay in Qaraxaasi lagu dhaawacay 100-qof oo 15 ka mid ah xaalladooda aad u liidato.