Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta gaaray wafdi ka socda Dowlad goboleedka Puntland,kuwaas oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.
Wafiga waxaa hoggaaminaya Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cali Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland  Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed dhoobo Daareed,waxaana Garoonka Diyaaradaha Magalada Baydhabo kusoo dhaweeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale.
Wafdiga ka socda Puntland oo ahaa kii ugu horeeyay ee taga Magalada Baydhabo si ay uga qeyb galaan Caleemo saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed,ayaa waxaa la geeyay Xarunta Madaxtooyada Maamulkaas,iyaga oo kulan la qaadan doona Madaxweyne Laftagareen.
Sidoo kale waxaa la filayaa in Magalada Baydhabo ay gaaraan wafdi ka socda Dowladda Federaalka,kuwaas oo iyana ka qeybgeli doona Xaflada Calaamo saarka Madaxweynaah KGS.