Ugu horreynba waxaa loo jeediyay eedda ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer ilaalinta ee ka koobneyd xilliyadii uu ku soo qaatay Alshabaab iyo Daacish uu ka tirsanaa ilaa 2013 ka hor inta uusan soo gelin gacanta Ciidamada Amniga oo lagu soo qabtay isagoo ku jiro aasidda miino meel boodka ka ah fadhi ay ku leeyihiin bar kontrool ee ah halka loo yaqaano boo-boodka ee degmada Afgooye ee gobalka shabeelaha hoose taariikhda markey aheyd 18/04/2018.
Guddoomiayaha Maxkamadda D, 1-aad ee ciidamada qalabka sida G, sare xasan cali nuur suute ayaa weydiiyay Jaamac Xuseen Xasan jiritaanka dambiyada ay soo jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale.
Eedeysanaha ayaa ku jawaabay in ay sax tahay ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab iyo Daacish balse isku deygiisii ugu horreeyay la soo qabtay isagoo gacanta kula jiro dambi.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa kiiskan ku mashquulsanaa tan iyo markii la soo qabatay ilaa 17/05-16/07 ee sanadkan waxa ayna Intaas keddib xafiiska xeer ilaalinta garsorayaasha weydiisteen in loo ogolaado Maxkamadda in ay hor keeneen caddeymo ay ka mid yihiin qiraalka eedeysanaha, markaatiyaal ay ka mid yihiin ciidamada amniga ee degmada afgooye ka soo qabtay eedeysanaha’, muuqaallo laga helay gurigiisa sida camero ay ku duubi jireen falalka ay kooxuu geystaan  iyo agab dheeraad ah sida fiilooyin batariyaal iyo qalab kale oo loo isticmaalo wax yaabaha qarxa.
Sharaxaadda baaritaanka eedeysanaha ayaa waxa ku dheeraaday Gaashanle abuukar weli oo ka tirsan ciidamada amniga gaar ahaan qeybta dambi baarista, waxa uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda in ay ku ogaadeen arrimo ay ka mid yihiin dilal uu ka geystay Boosaaso, dagaallo uu ka qeyb galay ee ka dhacay goballada bari ee maamulka Puntland iyo arrimo kale.
Kabtan Muumin xuseen cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guuud ee ciidamada qalabka sida ayaa fadhiga maxkamadda ka hor sharaxay cadeymaha la taaban karo oo isugu jiray muuqaallo iyo agab kale, waxaana daawashada muuqaaladaasi ka muuqday falal argagax leh oo ah muuqaallo laga dhex heley camirada lagu soo qabtay eedeysanaha.
Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Kaptan   Maxamed cabduqaadir ayaa ka codsaday maxkmadda maadamaa eedeysanaha muddo uu ku qanacsanaa daadinta dhiiga in la mid ah inta uu geystay ay ku fuliso maxkamddda.
Xeer ilaaliyah guud ee ciidamada qalabaka sida G/sare Cabdullahi Buula ayaa eedda jeedinta dhankooda ah ku soo xiray in falka nuuca duubista ah ee kooxdan geysato uu yahay mashruuc uusan aheyn diin, waxa uuna maxkamadda ka codsaday in lagu fuliyo xukunnada qodobada ay ku soo eedeeyeen uu dhigayo.
Dhanka kale qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa ku dooday in markii ugu horreysay ay u aheyd falkan uu geysto shaqsigan ay difaacayeen isla markaana la soo qabtay isagoo wax dhib ah geysan sidaas darteed ay codsadeen in loo naxariisto.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qlaabka sida Gaasgaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga maxkmadda, waxa uuna u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha in go’aanka ay dib ka soo saari doonaan.