Waxaa Magalada Muqdisho kulan ku yeeshay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo taliyaha Ciidanka xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe.
Kulanka ayaa waxa ay uga wada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa howlaha dardar gelinta Diiwaangelinta Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee haatan socota sida uu sheegay Wasiir Beyle.
Waxaa maanta booqosho igu yimid Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho-qarshe waxaan ka wada hadalney arimaha Diiwaan Gelinta Ciidamada iyo wadashaqeyn ta.
Dhawaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxa uu booqday Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Dhagabadan Ex Jaziira halkaas oo ay ka socoto diiwaangelinta Ciidamada,isaga oo amray in la dardargeliyo diiwaangelintaas.