Galabta waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Muudg gaaray Wefdi uu hogaaminayo Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen, Cabduweli Jaamac Gorod.
Wefdiga ayaa waxaa qeyb ka ah masuuliyiinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida sida Gudoomiyaha Maxkamda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo liibaan Cali Yaroow oo ah guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka Sida waxaana soo dhaweyn halkaasi  ugu sameeyay masuuliyiinta Maamulka degmada iyo Shacabka Gaalkacyo..
Ujeedka wefdiga ayaa lagu sheegay dhameystirka heshiiskii ay Gaalkacyo ku wada gaareen Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug si loo dhameeyo dagaalada ku soo laab laabtay Msgaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wefdiga taliyaha uu hordhac u yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo halkaasi tegi doono.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.