Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarshe†ayaa kormeeray taliska Ururka 60aad ee ciidanka Ilaaladda Madaxtooyada Qaranka, halkaasi oo ay ka socdaan tababaro Ciidanka aqoontooda kor loogu qaadayo.
Ku-simaha Taliyaha Ururka 60aad, ahna Abaanduulaha Ururkaasi Dhamme Dayax Cabdi Cabdule, ayaa S/gaas Indhoqarshe uga xogwaramay shaqada ay hayaan ciidanka iyo tababarada halkaasi ka socda.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, ayaa ciidanka Ururka 60aad ku boggaadiyey shaqada adag ee ay u hayaan, isaggoo Ciidanka kula dardaarmay inay tusaale lagu daydo u noqdan ciidanka Qaranka.
Kormeerka ka dib ayaa Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed, ayaa kulan gaar ah waxa uu la qaatay saraakiisha ciidanka ilaaladda Madaxtooyadda Soomaliya, isagoona warbixin ka dhageystay saraakiisha.