Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ee Maamulka Jubbaland, iyadoona halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxaa uu yahay sii xoojinta dadaalada doorashooyinka dalka ka dhacaya, gaar ahaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka jira Gobolka Gedo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan looga hadlayo dardar-gelinta doorashooyinka dalka ka dhacaya la qaadan doona Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, sidoo kalena la kulmi doona qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Maamulkaas iyo qeybaha kala duwan.
Waa socdaalkii ugu horreeyay ee uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku tegay Jubbaland gaar ahaan Kismaayo tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaarenimo ee dalka.