Shirweynaha 17aad ee Cambridge ayaa lagu soo gabo gabeeyay magaalada london, Shirkan oo socday mudo labo maalmood ah ayaa looga hadlay hirgalinta doorashooyin dimoqoraadiyada ku dhisan ayaa waxa isugu yimd Gudoomiyeyaasha Guddiga Doorashooyinka wadamada caalamka qaarkood sida India, Malaysia, Bangaladesh, Koonfur Africa, Zambia, Nigeria, Somalia, Kenya, Uganda. Waxa sidoo kale shirweynahaas ka soo qeybgalay khubaro caalami ah.
Shirweynahan ayaa looga hadlay qiimeyn lagu sameeyay doorashooyinka ka dhacay wadamada qaaarkood iyo cilmibaaris lagu sameeyay hanaankii loo marey, sidoo kale waxaa looga hadlay heerka diyaargarowga doorashooyin dimoqoraadiyad ku dhisan oo ka dhaca wadamada soo koreya sida Soomaaliya .
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Xaliimo Ismaacil Ibraahim oo ka qeybgashay shirkan ayaa ku soo bandhigtay heerka uu marayo u diyaargarowga doorashada 2020ka la rajeynayo in ay ka dhacdo Soomaaliya iyo waxyaabaha u qabsoomay, sidoo kale waxay soo hadalqaaday caqabadaha jira iyo xalka loo baahanyahay.
Ugu dambeyntii waxaa shirweynuhu dhiirigaliyay horumarada laga sameeyay doorashooyin ku dhisan dimiqoraadiyad iyadoo lagu ballamey in la sii xoojiyo dadaalka loogu jiro kobcinta dimoqoraadiyadda caalamka.