Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa galabta gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayay, kuwaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyay magaaladaasi.
Shariif oo socdaalka ku wehlinayeen Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Wasiiro, Xildhibaano iyo dadweyne badan.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa kulamo la qaadan doona Madaxweyne Deni, iyagoona ka wada arrisan doona xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha wax ka bedelka Dastuurka oo labada mas’uul kasoo horjeedan.
Magaalada Garawe waxaa shalay gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isna si weyn loogu soo dhaweeyay Garawe, labadan Madaxweyne ayaana leh isbaheysi siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda Xasan Sheekh.
Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si isku mid ah uga soo horjeeda qorshaha wax ka bedelka Dastuurka KMG, waxaana madaxdan la filayaa in kulamo yeeshaan ayna soo saaraan go’aanno.