Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay rag hubeysan oo burcad ah, kuwaasi oo dhac ka geysanayay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir.
Ciidanka Booliska oo howlgalka sameeyay ayaa kusoo qabtay burcada oo tiro ahaan gaareysay 4 ruux, isla markaana xiligii la qabnayay u dhac u geysanayay dad shacab ah oo ku sugnaa xaafadda Jamhuuriya iyo xaafado kale oo Kaaraan ah.
Ragga oo watay qoryaha AK-47 ayaa waxaa ay dadka uga qaadanayeen Teleefoono iyo waxyaabo kale, waxaana haatan lagu xiray Saldhiga degmada, iyadoona Maamulka uu sheegay in burcadan sharciga la horgey doono.
Sidoo kale Maamulka degmada Kaaraan ayaa tilmaamay in howlgalka lagula dagaalamayo kooxaha burcada hubeysan ee dhaca u geysta dadka shacabka ah ay kasoo wadi doonaan gudaha degmadaas, isla markaana la soo qaban doono.
Ciidanka Booliska dowladda ayaa howlgalo ay horey uga sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir sidaan oo kale ugu soo qabtay Burcad hubeysan oo dad ka qaatay Teleefoono, waxaana muddooyinkii Muqdisho kusoo batay dhaca loo geysanayo shacabka.