Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari dowlad Goboleedka Puntland waxaa Maanta gaaray Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Jabhada ONLF.
Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay ayuu ku sugnaa Magalada Hargeysa ee Soomaaliland,isaga oo la kulmay madaxda Sare ee Soomaaliland,Guddoomiyeyeesha labada Gole ee soomaaliland iyo mas’uuliyiin kale.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Bari iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Boosaaso ayaa siweyn halkaasi ugu soo dhaweeyey.
Hadal kooban oo uu jeediyey ayaa ka mahadceliyey soo dhaweyntii Maanta loogu sameeyey Boosaaso.
Cabdi Kariin Qalbi-Dhagax ayaa horay u sheegay in degmooyin ka tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug uu booqan doono balse uusan tegi doonin Magalada Muqdisho.