Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa haatan waxaa ka socota Qabanqaabada soo dhaweynta RaΓ’β¬β’iisul Wasaare Kheyre oo Maanta ku wajahanΓΒ halkaas.
Garoonka kubbadda Cagta Dr. Ayuub ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan boqolaal shacab ah iyo MasΓ’β¬β’uuliyiin badan oo ka tirsan Koonfur Galbeed,kuwaasi oo isugu diyaarinaya soo dhaweynta RaΓ’β¬β’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi hogaaminayo oo saacadaha soo socda tagaya Baydhabo.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Ujeedka Xasan Cali Kheyre u tegayo Baydhabo ay tahay Arrimo kala duwan oo ay uga weyn tahay amniga iyo dib u habeynta Ciidamada.
Ugaas xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta ee maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay inay u diyaar garooweyn soo dhaweynta RaΓ’β¬β’iisul wasaaraha Dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Xasan Cali Kheyre iyo wafdigiisu ay booqan doonaan qaar ka mid ah Degmooyinka Gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellada hoose, si uu ugu kuur galo xaaladaha guud ee degaannadaasi.
Ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo ayaa Maanya siweyn loo adkeeyay,waxaana heegan buuxa la geliyay Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed,kuwaasi oo si wadajir ah isaga kaashanaya amniga Magaalada.